MW Soomaaliya oo ka qaybgalaya meertada 25aad ee shir madaxeedka EAC

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalaya meertada 25aad ee Shir madaxeedka Dalladda Bulshada Bariga Afrika EAC oo 7da Bishaan ka dhacaya Magaalada Caruusha ee Dalka Tanzania.

Shirkaan waxaa looga hadlayaa Istaraatiijiyadda horumarinta Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee 2026/27 ilaa 2030/31 iyada oo hadal jeedinta Madaxda lagu dari doonno qorshaha cusub ee dallaadaan sida lagu sheegay bayaan hordhac ah oo lasoo saaray.

Meelaha diiradda la saarayo waxaa kamid ah kobaca dhaqaalaha, yaraynta caqabadaha Ganacsiga, hoos u dhigista Khashaadka Gaadiidka & dardargelinta Badeecadaha dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Waxaa intaas dheer kulamo gaargaar ah oo dhexmaraya Madaxda EAC iyaga oo kawada hadlaya xoojinta qorshahaan si looga mira-dhaliyo hadafkaan oo ah yoolka dheer ee sii xoojinaya jiritaankiisa.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Iiraan oo Kenya u sheegtay in ay ka badbaadayso weerarrada ay ku beegsanayso Danaha Maraykanka

Read Next

Xiriirka Trump & Ra’iisul Wasaaraha UK oo u xumaaday Jawaabta Iiraan ay khasaaraha ku gaarsiiyay Danaha Maraykanka