Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kaga hadlay dhinacyada Siyaasadda,Amaanka,Doorashooyinka 2020, dib u eegista Dastuurka iyo qodobo kale.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay qorsheyneyso dhismaha Ciidan qaran oo sida uu sheegay looga seexan karo amniga Qaranka,waxaa kale oo uu sheegay in howlaha dib u eegista Dastuurka iyo doorashada 2020kaay meel wanaagsan marayaan.
Dowladdiisa ayuu sheegay in ay dhameystiri doonto 40 Sharci oo 17 ka mid ah ay hadda gacanta ku hayaan Golaha shacabka Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu sheegay in qorshaha dowladda ay ka mid tahay dhismaha 17 Guddi iyo Dayactirka 32 Xarumo dowladeed.
Dhinaca Dhaqaalaha Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in sanadkii 2017 dowladda ay dakhli fiican ka ururisay Gudaha kaas oo gaaraya $140 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay dib u habeynta lagu sameeyay dhaqaalaha in ay sababtay in Midowga Yurub uu $120 Milyan oo doollar u ballan qaaday in uu ku taageerayo Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ah,sidoo kalena waxaa uu sheegay in horumar fiican laga gaaray qorshaha Deyn cafinta,isaga oo sheegay in hadda Soomaaliya lagu leeyahay $5bilyan oo doollarka Mareykanka ah.
