Muxuu ku saabsan yahay Fadhiga Xildhibaanada Golaha Shacabka ay maanta leeyihiin?

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalmihii dambe joogteeyay kulamadooda ay kaga doodayaan ajendayaal horyaalla.

Maanta oo Sabti ah, kuna beegan 3-da November, fadhiga guud ee Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa ay kaga hadli doonaan Labo ajende oo horyaalla, sida ku cad farriinta Xildhibaanada loo diray.

Ajendaha 1-aad, Aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka xuquuqda liil tirka siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Halka kan 2-aad, uu yahay Sii wadista codeynta ansixin horudhac ah wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dood kulul ka yeeshay Codeynta ansixinta hordhaca ah ee wax ka badalka Xeer Hoosaadka ay ku shaqeeyaan.

Waxaana maanta la filayaa in Codka kalsoonida la galiyo xeerkaan, hadii Xildhibaanada ay ansixiyaan waxa uu kamid noqonayaa Xeerarka ay meel mariyeen, balse codka Kalsoonida hadii Mudanayaasha ku diidaan waxaa dib loogu celin doonaa Guddigii u gudbiyay.

Mustaqbal media

Read Previous

Gudoomiyaha Wanlaweyn oo lagu eedeeyey in uuhub ka iibiyay Maleeshiyo Beeleed.

Read Next

WHO seeks to contain cholera outbreak in Somalia amid decline in cases