Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka taagan Xiisad u dhaxeysa Labo Maleeshiyo beeleed.
Dadka deegaanka ayaa ka barakacay Deegaankooda, kadib markii dagaalka oo Miyiga kasoo bilawday uu ku fiday Degmada Wanlaweyn.
Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax oo kamid ah Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in Gudoomiyaha Wanlaweyn ay ciidamada Dowladda ku qabteen hub uu u iibiyay dhinac kamid ah Maleeshiyaadka Magaalada ku dagaalamaya, oo sida uu sheegay uu qaarkood metelo deegaanada ay ka soo jeedaan
Xildhibaan Aadan ayaa sheegay in Nidaamka Federaalka uu kala qaybiyay Gobolada Shabeelooyinka, balse dhinac kamid ah Beelaha ku dagaalamaya Wanlaweyn ay beeshiisa tahay, sidaa awgeedna uu ka gaabsan waayay waxyaabaha halkaa ka jira.
Hoos ka dhageyso Wareysiga Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax.
Dhanka kale Mustaqbal Radio waxa ay la xiriirtay Maxamed Siidow Cabdiraxmaan oo ah Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn, balse kama jawaabin Wicitaankeena.
La soco wixii kasoo kordha.
