Muwaaddin Somali ah oo u tartamaya xubinnimada Baarlamaanka Midowga Europe

Muwaaddin Soomaali Swedish ah oo lagu magacaabo Cabdullahi Xasan Dhaqaalo ayaa u tartamaya xubinnimada Baarlamaanka Midowga Europe.

Cabdullahi ayaa doorashada Baarlamaanka Midowga Europe waxaa uu ku matalayaa Xisbiga Social Democratic Party ee dalka Sweden oo uu xubin ka yahay.

Ninkan ayaa ka mid ah Golaha degaanka Sweden ee xisbigan matala,waxaa uu sheegay in Xubnaha Xisbigiisa ay u soo jeediyeen in uu u tartamo xubinnimada Baarlamaanka Midowga Europe isaguna uu ka aqbaly.

Mar wax laga weydiiyay waxa uu qabanayo haddii uu ku soo boxo xubin ka mid ah Baarlamaanka Midowga Europe uu sheegay in uu xoogga saarayo wax u qabashada shaqaalaha iyo dadka soo galootiga ah.

Doorashada Baarlamaanka Midowga Europe ayaa waxaa ay dhici doontaa 23ka iyo 26ka Bisha May ee sanadkan 2019ka.

Mustaqbal media

Read Previous

Trump oo ugu baaqay Ilhaan Cumar in ay is casisho

Read Next

Ra’isalwasaare ku xigeenka Somaliya oo la kulmay Wasiir ka tirsan UK