Ra’isalwasaare ku xigeenka Somaliya oo la kulmay Wasiir ka tirsan UK

Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Magaalada London ee caasimadda Ingiriiska kula kulmayWasiirka arriimaha Afrika ee dowladda UK.

Wasiiru dowlaha Afrika ee xafiiska arrimaha dibadda iyo Barwaaqo sooranka UK Harriett Baldwin iyo Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga iyo taageerada UK ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay labada Mas’uul ka wada hadleen sidii ay dowladda Ingiriiska iyo Beesha Caalamkaba u xoojin lahaayeen taageerada ay ku bixiyaan dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Ra’isalwasaare ku xigeenka SOomaaliya ayaa dhawaan Dalka Ingiriiska u aaday si uu ula kulmo Madaxda UK iyo Qurbejoogta Soomaalida ah ee deggan UK.

Mustaqbal media

Read Previous

Muwaaddin Somali ah oo u tartamaya xubinnimada Baarlamaanka Midowga Europe

Read Next

British Minister of African Affairs Meets with Somali Deputy Prime Minister