MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in uu dhawaan safar ku tago Magaalada Adis ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.
Ma cadda ujeedada safarka Muuse Biixi ee Itoobiya hayeeshee waxaa ay wararka qaar sheegayaan in uu casuumaad ka helay Ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiye Axmed.
Muuse ayaa markii la doortay booqday Adis ababa waxaana uu xilligaas la kulmay Ra’isalwasaarihii hore ee Itoobiya.
Booqashada Muuse ee Adis ababa ayaa la sheegayaa in la qorsheeyay mar uu safar Adis ku tagay Wasiirka arrimaha Somaliland Sacad Cali Shire kaas oo todobaadkii la soo dhaafay la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.
Itoobiya waxa ay 19% Saami ah ku leedahay Dekadda Magaalada Berbera ee ay maamusho Somaliland.
