RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas
Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xarigga Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Cabdi Maxamuud Cumar.
Cagjar ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud uu dambiyo badan ka geystay dowlad degaanka islamarkaana dambiyada loo heystaa ay yihiin heer federaal iyo heer dowlad Goboleed.
Waxaa uu sheegay in Magaalada Jigjiga laga helay Xabaal wadareedyo ay ku jiraan dad lugaha iyo gacmaha ka xiran oo lafahooda la soo saaray kumanaan qofna la xasuuqay.
Waxaa uu xusay in dambiyadaas loo heysto Cabdi lagu qaadayo ,waxaa uu sheegay in Cabdi dambiyada heerka federaal ee loo heysto ka mid tahay 80 Qof oo aan Soomaali ahayn oo lagu dilay Jigjiga laakiin 10,000 Qof oo Soomaali ah uu dilay loona baahanyahay in uu caddaaladda wajaho.
Cagjar ayaa sheegay in Xubnihii kale ee ku jiray maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ay dalka ka baxsadeen badankood kuna noolyihiin dalalka deriska ah iyo dibadda islamarkaana ay iska kaashanayaan dowladda Federaalka ah.
Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay Golaha Wasiirrada cusub ee Itoobiya waxaana uu sheegay in hal wasiir oo wasiirka maaliyadda ah uu ku soo aaday dowlad degaanka islamarkaana ay mudnaayeen labo iyo ka badan laakiin ay hadda kaddib ka shaqeynayaan
