Muqdisho: Qarax xooggan oo lagu weeraray maqaaxi Caawa uun la furayay.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo goordhow ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, kaasoo jugtiiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee Maqaaxi cusub oo caawa uun xarriga laga jarayay furitaankeeda, waxaana xiliga qaraxa uu dhacayay gudaha maqaaxida ku sugnaa dad u badan dhalinyaro oo lagu casuumay munaasabada.

Qof kamid ah dadkii ku sugnaa halka qaraxa uu ka dhacay oo weerarka ka badbaaday ayaa Warbaahinta Mustaqbal u sheegay inuu arkay dhimashada hal askari iyo dhaawaca 4 qof oo kale, kuwaasoo isugu jiray dadkii munaasbaada lagu casuumay iyo kuwo wadada marayay.

Maqaaxida qaraxa uu ka dhacay waxa ay ku taalaa aagga isgoyska Shaqaalaha, waxaana halkaasi buux dhaafiyay Ciidamo ka tirsan Booliska Saldhigyada Waaberi iyo Hodan oo howlgallo baaritaana ah sameynaya.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya nooca qaraxa, wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu qarxay gaari qarax qof loogu xiray, halka warar kalena ay sheegayaan inuu ahaa mid lagu soo raray walxaha qarxa.

Waxaa jiray Mootooyin badan oo Bajaaj ah, kuwaasoo lagu arkayay iyagoo gubanaya, maadaama ay saameeyeen qaraxa goobta ka dhacay.

News Editor

Read Previous

Maxaa sababay sare u kaca furiinka Soomaalida Kenya?

Read Next

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo isku day dil ka badbaaday iyo ilaaladiisa oo la dilay.