Muqdisho: Booliiska Soomaaliya oo xiray nin jirdilay xaaskiisa

Kaaha Cabdullahi Maxamuud, oo ah haweeney Soomaaliyeed oo dhawaan dalka Holland ka soo laabatay, ayaa sheegtay in seygeeda Maxamed Cabdullahi Cali uu ku jir dilay magaalada Muqdisho, kaddib muran soo kala dhex galay.

Kaaha ayaa sheegtay in ay dalka u timid si ay ula noolaato ninkeeda, balse durbadiiba ay la kulantay tacaddi iyo garaacis culus.

Waxay tilmaantay in ninkeeda uu geeyay guri ku yaalla deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay sheegtay inuu ka fog yahay ehelkeeda.

Sida ay warbaahinta u sheegtay, muran ku saabsan halka ay degayaan iyo arrimo la xiriira maseyr ayaa sababay in Maxamed uu adeegsado xoog iyo hanjabaad, isagoo si xun u garaacay.

Haweeney xaafadda deganayd ayaa soo gurmatay, balse jirdilkii ma uusan joogsan, iyadoo Kaaha ay sheegtay in ay qeylinaysay si aysan u dhiman.

Kaaha Cabdullahi Maxamuud ayaa hadda codsaneysa in ay hesho cadaalad buuxda, waxayna diidday in kiiska si hoose loo xalliyo, sida ay sheegeen ehelka ninkeeda.

Dhinaca kale, booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in la xiray Maxamed Cabdullahi Cali, islamarkaana baaritaan rasmi ah uu socda.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in kiiskan la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loo waafajiyo.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Malaga yaaba in Soomaaliya mar kale la saaro cunaqabateyn?

Read Next

Dowladda Soomaaliya oo Puntland ugu baaqday in ay sii deyso Markabka Sea World