Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii u horreysay ka hadashay Markabka sida saanada ciidan ee Sea World, kaasi oo maalmo lagu hayo dekadda Boosaaso.
War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in qaab afduub ahaan loo heysto markabka oo u soo socday dekadda Muqdisho, isla markaasna siday saanad ciidan oo loogu talagalay Xarunta Tababarka Ciidamada ee TURKSOM.
“Arrintaa waa afduub ka hor imaanaya dastuurka iyo madax-bannaanida Dowladda Federaalka. Sida uu dhigayo Qodobka 54-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah, Dowladda Federaalka ayaa keliya leh masuuliyadda ilaalinta badaha iyo amniga qaranka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Dowladda.
Sidoo kale dowladda ayaa codsatay in In markabka si degdeg ah loo sii daayo, maadama si sharci ah ku socday, iyada oo Puntland loogu baaqay in ay joojiso arrimaha dhaawici kara madaxbanaanida dalka.
Hadalka Dowladda Federaalka ayaa ku soo aadaya xilli maalmo Markabka Sea World taagan yahay Dekadda Boosaaso, halkaasi oo Maamulka Puntland sheegeen in ay ku baarayaan.
War-saxaafadeedka hoos ka akhri


Mustaqbal
