Milatariga Itoobiya oo ku hanjabay in ay xoog ku maquunin doonaan dibadbaxayaasha Jigjiga

Xaaladda Magaalada Jigjiga ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa saaka deggan iyada oo war ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dalka Itoobiya ay ku sheegtay in Milatariga ay ka jawaabi doonaan haddii rabshadaha ay sii socdaan.

Warka waxaa lagu sheegay Sharciga iyo kala dambeynta la soo celinayo islamarkaana laga hortagayo kuwa qaswadayaasha ah.

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Itoobiya ayaa wali ku sugan Magaalada Jigjiga,hayeeshee waxaa la xaqiijiyay in uusan xalay ku hoyan Madaxtooyada.

Rabshadihii shalay ka dhacay Jigjiga iyo guud ahaan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ku dhintay 10 Qof oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan shacab ah.

Dhinaca degaanka Baabili ee Ismaamulka Oromada,waxaa shalay ku dagaallamay Soomaali iyo Qowmiyadaha kale,waxaa laga soo wariyay dhaawacyo hayeeshee Milatariga Federaalka ah xakameeyeen.

Mustaqbal media

Read Previous

Biyaha & Layrka ayaa ka maqan caawa magaalada Jigjiga!

Read Next

Al-shabab oo saddex Ruux ku toogtay Jilib