Wararka caawa naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxa ay sheegayaan in Caawa Xaalada ay dagantahay, waxa istaagay dhaqdhaqaaqyadii ciidanka federaalka Itoobiya ka waday magaalada Jigjiga, Shacabka magaalada Jigjiga ayaa caawa xilli hore waxa ay galeen guryaha.
Dadka ku sugan Magaalada ayaa soo sheegaya in diyaarado Miig ah ay dul marayaan Magaalada, iyaga oo hadba dhinac u maraya hawada Jigjiga, Taasoo baqdin hor leh ku beertay Shacabka magaalada.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo Magaciisa aan u qarinay amnigiisa awgeed, ayaa noo sheegay in uu jiro Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay Rabshadihii Saaka ka dhacay Jigjiga.
Waxa uu sheegay in rabashadaha ay ka danbeeyeen markii ay ogaadeen Dowladda Federalka qorshe Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar watay oo la xiriiray in baarlamaanka Dowlad Deegaanka maanta ay shir yeeshaan, ayna kaga dhawaaqaan in ay ka go’een Federaalka Itoobiya.

Magaalada Jigjiga, waxa amaanta laga taagay Calanka Soomaaliya, Saacado kadibna Kan Ururka ONLF, Iyadoo amrkii dambe lagu soo celiyay kii Dowlad deegaanka.
Halkan ka dhegeyso qof kamid ah dadka ku nool magaalada Jigjiga oo aan qarinay magaciisa nabadgelyada awgeed.
