Muqdisho oo laga daahfuray Madasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka
Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027, iyadoo looga hadlay xaaladda amniga dalka iyo howlgallada ciidamada qalabka sida ay kula dagaallamayaan AS Al-Shabaab.
Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha, taas oo soo bandhigtay guulaha ay ciidamada qalabka sida ka gaareen deegaannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa Shukri Xasan Cusmaan u magacaabay Agaasimaha Hay’adda Liiltirka iyo Hawlgabka Shaqaalaha Rayidka ah, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa soo dhoweeyay dhammaadka howlihii Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyagoo bogaadiyay kaalintii uu xafiisku ka qaatay geeddi-socodkii kala guurka iyo dib-u-soo kabashada dalka.
Goluhu wuxuu sidoo kale xusay marxaladihii uu dalku soo maray, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada iyo isku-filnaanshaha Soomaaliya.
Mustaqbal
