Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Xarakada Al-shabaab ayaa shalay gelinkii dambe saddex Ruux ku toogtay Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ee Koofurta Soomaaliya.
Saddexda Qof ee la toogtay waxaa ka mid ahayd Haweeney lagu eedeeyay in ay ka tirsanayd Ciidadamada Maamulka Jubaland iyo labo nin oo midi lagu eedeeyay in uu qof kale horay u dilay.
Maxamuud Cabdi Abshir, oo 32 jir ahaa ayey Al-shabaab ku eedeeyeen in uu horay u dilay Cabdi Raxmaan Cabdi Warsame,sidaasna xukun qisaas ah loogu fuliyay.
Sidoo kale isla Fagaaraha Magaalada Jilib waxaa ay Al-shabaab ku toogteen Labo qof oo midi Haween tahay.
Al-shabaab ayaa labada Qof ku eedeeyay in ay ka mid ahaayeen Ciidamada Jubaland waxana ay sheegeen in ay dhawaan ku qabteen dagaalkii degaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubada hoose ka dhacay.
