Midowga Afrika oo si kulul uga falceliyay isku daygii afgambi ee ka dhacay dalka Benin

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa lagu cambaareeyay isku dayga afgambi militari ee dhawaan ka dhacay dalka Benin oo ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.

Midowga Afrika ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin tillaabadaan oo ka hor imaaneysa dimuqoraadiyadda Afrika.

“Midowga Afrika waxa uu diyaar u yahay, iyada oo lala kaashanayo saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, in uu garab istaago Dowladda iyo Shacabka Benin si dib loogu soo celiyo xasiloonida hay’adaha dimuqraadiyadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Benin ayaa shaacisay inuu fashilmay isku daygii Afgemi ee dhawaan ka dhacay dalkaasi, iyadoo la xiray askartii soo abaabulay falkaasi.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweynihii 8aad ee Benin oo la afgambiyay & xaaladda oo kacsan

Read Next

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay arrimaha amniga