MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Ururka Midowga Afrika ayaa si kulul u cambaareeyay go’aanka ay ISL shaacisay ee ay ku soo magacowday Safiir cusub oo u fadhin doona deegaanada Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in markale ay xaqiijinayaan ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada, iyo bedqabka dhul ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddiga ayaa carrabka ku adkeeyay in mowqifkan uu waafaqsan yahay Xeerka Asaasiga ah ee Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga ah, iyadoo ururku uusan marnaba aqoonsanayn Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.
Qoraalka ayaa lagu xasuusiyay go’aankii ka soo baxay kulankii 1324-aad ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, kaas oo dhacay 6-dii Janaayo 2026.
Guddigu wuxuu hoosta ka xariiqay in tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo lagu aqoonsanayo Maamulka Waqooyi Galbeed waa mid aysan waxba ka jirin, isla markaana halis weyn ku ah xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Ugu dambayn, Midowga Afrika wuxuu caddeeyay inuu weli ka go’an yahay taageerada nabadda, dowladnimada, iyo wadajirka qaranka Soomaaliya.
Mustaqbal
