Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka oo xukun ku ridday nin lagu eedeyay inuu ka tirsanaa Daacish

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalbka sida ayaa shaacisay Xukunka lagu riday Jaamac Xuseen Xasan oo dhawaan Maxkamadda ka soo muuqday.

Jaamac ayaa lagu eedeeyay in uu muuqaallada u duubi jiray Daacish sidoo kalena ku lug lahaa Qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Xabsi daa’in ku xukuntay Jaamac Xuseen Xasan.

Jaamac ayaa laga soo qabtay waddada u dhaxeysa Afgooye iyo Degaanka Carbiska ee Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana la soo qabtay Bishii April ee la soo dhaafay.

Mustaqbal media

Read Previous

Ciidanka Kenya oo lagu eedeyay in ay afduubteen 46 Qof.

Read Next

Meydka Injineer dhisayay Biya xireenka Itoobiya ee Wabiga Niil oo la helay.