Ciidanka Kenya oo lagu eedeyay in ay afduubteen 46 Qof.

Hay’ad ka shaqeysa arrimaha xuquuqda aadanaha oo lagu magacaabo Haki Africa ayaa sheegtay in Ciidamada Kenya ay 46 qof ka afduubteen Gobolka Xeebta ee dalka Kenya.

Agaasimaha Hay’adda Xuseen Kahliif ayaa sheegay in inta u dhaxeysay Bilaha January iyo July la waayay 46 qof oo ay ka xeysteen Ciidanka Kenya kuwaas oo aan raq iyo ruux laheyn.

Waxaa uu sheegay in cabashobadan ay kala kulmeen ehelka dadka maqan oo sheegay in xubno ka mid ah qoysaskooda ay ku la’yihiin gacanta Ciidamada dowladda Kenya.

Hay’addu waxaa ay sheegtay in afduubka dadka degaanka uu billowday Sanadkii 2014kii markaas oo Al-shabaab weerarro ay ka fuliyeen degaannada Xeebta ah sida Mpeketoni, Lamu, iyo meelo kale ay dad badan ku dhinteen.

Dadka maqan waxaa ka mid ah Maxamed Cabdalla Cali oo 32 jir ah kaas oo la waayay 14kii June 2014kii markaas oo uu dhacay weerarkii Mpeketoni,halkaaas oo lagu dilay 67 qof.

Qoyska Cali oo uu ugu horreeyo aabihii iyo walaashiis waxaa ay sheegeen in  Booliska aysan wax warbixin ah siin tan iyo xilligaasna wiilkooda aysan war iyo wacaal ka heyn.

Mohamed Avukame Haroun,waxaa uu ahaa Ganacsade 43 jir ah,isaguna waxaa lagu kaxeystay Garai ay leeyihiin Booliska,lama hayo halka uu jaan iyo cirib dhigay waxaana ay reerkiisu sheegayaan in Booliska aysan warbixin ka heyn.

Ciidanka Kenya ee dagaalka kula jira Al-shabaab ayaa la sheegayaa in ay dnibaato weyn ku hayaan dhallinyarada,waxaana dhowr jeer Meydad laga helay Xabaal wadareedyo iyo kuwo Wabiyada lagu tuuray iyada oo aan la ogeyn cidda dishay.

Hay’adaha xuquuql insaanka ayaa ku baaqay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo sida ay Ciidamada Kenya ula dhaqmaan dadka Gobollada Xeebta iyoWaqooyi Bari.

Mustaqbal media

Read Previous

Families blame police and KDF as 46 people reported missing

Read Next

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka oo xukun ku ridday nin lagu eedeyay inuu ka tirsanaa Daacish