Maxkamadda Ciidanka oo xukuntay Nin lagu eedeeyay in uu isu ekeysiin jiray Askarta

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa la soo taagay Rag ku eedeysnaa AL-shabaabnimo kuwaas oo qaarkood la xukumay kuwo kalena la siidaayay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun 15 Sano oo xabsi ah ku ridday Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim Aadan, kaas oo sida ay Maxkamadda sheegtay Al-shabab uga biiray degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe sanadkii 2013kii.

Ninkan ayaa 20kii Bishii May ee sanadkan laga qabtay Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho,waxaana uu ka tirsanaa sida Maxkamadda ay sheegtay Ciidamada AL-shabab qeybta Amniyaadka loo yaqaan.

Maxkamadda ayaa siideysay xubnaha kala ah; Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali, Cabdullaahi  Subeyr Cumar iyo Cabaas Idiris sheekh Cali,kuwaas oo lagu waayay dambigii lagu soo oogay.

Dharka,Qoriga iyo Bambooyinka ay Maxkamadda sheegtay in lagu soo qabtay Cali.

Maxkamadda ayaa soo bandigtay Dhar Tuutaha Ciidanka ah oo uu watay Cali Maxamed oo uu isugu ekeysiinayay Milatariga Soomaaliya, Qori AK 47 ah, Rasaas iyo Bambooyin.

Mustaqbal media

Read Previous

Somalia gives Int’l NGOs dead line day to relocate Mogadishu from Nairobi

Read Next

HORDHACA: Roma Vs Real Madrid+Safafka Macquulka ah.