Maxay Soomaaliya ka faa’iiday kuraasta Golaha Ammaanka QM iyo Midowga Afrika?

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in muddo ku dhow sodon sano kadib uu dalka ka gudbay marxaladdii ay waddamo shisheeye keliya go’aamin jireen masiirka Soomaaliya.

Muddo dheer, daneeyayaal shisheeye ayaa ka doodi jiray faragelinta, cunaqabateynta, waajibaadka howlgalada nabad ilaalinta, iyo jawaabaha bini’aadantinimo, halka Soomaaliya ay la daalaa-dhaceysay xasillooni darro gudaha ah.

Warbixin dhinacyo badan taabaneysa oo uu Telefishinka Aljasiira ku daabacay Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, oo ah Lataliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya, ayaa lagu iftiimiyay guulaha amni ee ay gaartay dowladda Soomaaliya.

Lataliyaha ayaa sheegay in muddo sodon sano ah Soomaaliya ay ahayd dal looga hadlo fagaarayaasha caalamka, iyadoo codkeedu uu ahaa mid daciif ah ama gebi ahaanba maqan, balse maanta ay xaaladdaasi isbeddeshay.

Wuxuu xusay in dalka uu hadda matalaad rasmi ah ku leeyahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Soomaaliya ay sii xoojinayso kaalinteeda ku aaddan nabadda, gaar ahaan gudaha qaaradda Afrika, Qaramada Midoobay iyo dunida Islaamka.

Ugu dambeyn, lataliyaha ayaa tilmaamay in dalka hadda u jihaystay xasillooni iyo inuu si madax-bannaan ula shaqeeyo Bulshada Caalamka.

Mustaqbal

 

 

 

 

 

 

 

 

 

MM News

Read Previous

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland?

Read Next

Cutubka ugu horreeya ee Ciidanka Masar ee ku biiraya AUSSOM oo Soomaaliya kusoo wajahan