Maxay kawada hadleen RW Xamse Cabdi Barre & Danjiraha Sacuudiga u qaabilsan Soomaaliya?

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo maanta xafiiska kulan kula qaatay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Maxamed Bin Axmed Almuwallad ayaa kawada hadlay Xoojinta Xiriirka & Iskaashiga Dowladood.

May be an image of 5 people, people sitting, people standing, suit and indoor

Danjire Maxamed waxa uu sheegay in uu dedaal gelinayo xoojinta xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga si loo kordhiyo cilaaqaadka ka dhaxeeya labada Dal iyo Labada Shacabka sida uu hadalka u dhigay.

May be an image of 2 people, people standing and indoor

Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Maxamed Bin Axmed Almuwallad Waxa uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi uu u rajeeyay in uu alle ku garab galo xulashada Wasiirada laga sugayo in ay kusoo baxaan Shaxda Golihiisa Wasiirada.

May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor

Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa Danjire Maxamed Bin Axmed ugu mahadceliyay doorka uu ka qaadanayo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Dowladaha Soomaaliya & Sacuudi Carabiya.

May be an image of 2 people and people standing

Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu wadaa wadatashiyo la xiriira soo xulashada Wasiirada oo marka uu ku dhawaaqo kaddib u gudbinaya Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS si uu codka kalsoonida ugu helo.

 

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Kolonyo uu la socday Madaxweynaha Nigeria oo lagu weeraray Gobolka Katsina.

Read Next

MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyay Tababarka la siiyo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee ku sugan Isparta.