MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyay Tababarka la siiyo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee ku sugan Isparta.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga kaddib Casumaad uu Ka helay Recep Tayyip Erdogan waxa uu tagay Xerada lagu tababaro Ciidamada Kumaandooska ee Isparta oo ay tababar ku qaadanayaan Ciidan Soomaali ah.

May be an image of 4 people and people standing

Madaxweyne Xasan ayaa la kulmay Saraakiisha iyo Ciidamada Tababarka ku qaadanaya Xerada Isparta isaga oo ka xog-dhageystay aqoon kororsiga ay qaataan & dedaallada ay ku bixiyaan Macalimiinta Turkiga ah.

May be an image of 1 person and text

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu mahadceliyay Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga & Saraakiisha Ciidanka Qalabka sida ee Turkiga oo kusoo dhaweeyay Xerada lagu tababaro Kumaandooska Soomaaliya.

May be an image of 2 people and people standing

Waxa uu bogaadiyay dedaalka lagu bixiyay Ciidamada Soomaalida ee lagu tababaray Xerada Kumaandooska Isparta oo ay faaiideysteen Kumanaan Askari oo katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.

May be an image of 1 person, standing and military uniform

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsigan, warbixin ku saabsan xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar sare u jooga dugsiga kumaandooska dalka Turkiga ee Isparta” Sidaasi Waxaa lagu yiri qoraal Villa Somalia soosaartay.

May be an image of one or more people and people standing

Booqashada Madaxweynaha JFS uu ku tagay Xerada Ciidanka Kumaandooska lagu tababaro waxaa ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Xuseen Macallin Maxamuud, Danjiraha JFS ee Turkiga Jaamac Cabdullaahi Caydiid, U qaybsanaha Arrimaha Ciidamada Ee Safaarada Soomaaliyeed ee Turkiga Gen. Maxamed Maxamuud Xuseen & Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud.

May be an image of 7 people, people standing, military uniform and outdoors

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Maxay kawada hadleen RW Xamse Cabdi Barre & Danjiraha Sacuudiga u qaabilsan Soomaaliya?

Read Next

Xaashi Cumar oo 17 sano Talyaaniga ugu xirnaa dambi uusan gelin oo maanta Muqdisho lagu dilay.