Maxay ka wada hadleen Ra’iisul wasaaraha Qadar iyo Madaxweynaha Somaliland?

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Kulanka labada mas’uul ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah oo Geeska Afrika uu wajahayo xaalado siyaasadeed iyo isbeddelo diblomaasiyadeed oo xooggan, gaar ahaan marka la eego xiriirka dalalka gobolka, xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan gudaha Soomaaliya, iyo wada-hadallada mugdiga galay ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Sheikh Mohammed iyo Cirro ayaa kulankooda diiradda ku saaray dhowr arrimood oo muhiim u ah gobolka, oo ay ugu horreyso xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida siyaasadeed, iyo dadaallada beesha caalamka ay ku taageerayso horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Qadar ayaa si cad u muujiyay in kulanka uu ka dhacay jawi is-afgarad ah, isla markaana labada dhinac ay isweydaarsadeen aragtiyo la xiriira sidii loo heli lahaa is-faham siyaasadeed oo u dhexeeya dhamaan qaybaha kala duwan ee Soomaaliya.

Sheikh Mohammed bin Abdulrahman ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wadashaqeynta, lana dhiirrigeliyo wada-hadallada wax dhisaya oo ay qeyb ka yihiin dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed.

Intii uu kulanku socday, Dowladda Qatar waxay mar kale adkaysay mowqifkeeda ku aaddan midnimada dhuleed, siyaasadeed iyo sharciga ah ee Soomaaliya.

Sheikh Mohammed ayaa caddeeyay in Qatar ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku xiranyahay isdhexgal iyo wada-xaajood furan oo ka dhaxeeya Soomaalida, iyada oo la tixgalinayo gobannimada, madax-bannaanida, iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Dad ku dhintay dibadbaxyo ka socda dalka Togo

Read Next

Madaxweyne Xasan Shiikh oo salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Xoogga dalka, isaga oo saaray Calanka