Madaxweyne Xasan Shiikh oo salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Xoogga dalka, isaga oo saaray Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay calanka ka taagay Madaxtooyada, isagoo xusaya 65-guurada xorriyadda iyo midnimada dalka.

Munaasabadda ayaa ka dhacday xarunta Madaxtooyada, halkaas oo Madaxweyne Xasan uu salaan ka qaatay Ciidanka Xoogga Dalka.

1-da Luuliyo waxaa si weyn looga xusay guud ahaan dalka, iyadoo ay tahay maalin taariikhi ah oo lagu xasuusto mideyntii gobollada.

Dhinaca kale, boqolaal ruux oo isugu jira shacab iyo Ciidan ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa wayn ee magaalada Muqdisho, si ay u soo dhaweeyaan maalintan wayn.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul wasaaraha Qadar iyo Madaxweynaha Somaliland?

Read Next

Maxaa lagu xasuusta 1 Luuliyo oo laga joogo 65 sano?