Maxay ka wada hadleen James Swan iyo Saciid Deni?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Boosaaso kula kulmay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Amniga , Siyaasada iyo arrimaha ban’aadantinimo.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa ka warbixiyay howlgalka ay ciidamada Puntland ka wadaan buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari, kaasi oo ka dhan ah Daacish.

May be an image of 2 people, dais and newsroom

Dhinaca kale, Danjire Jamse Swan ayaa Puntland ku boggaadiyay howlgallada socda, isagoo tilmaamay in ay ka taageerayaan sii wadi dooda.

Kulanka ayaa ku soo aadaya Xilli Ergayga Qaramada Midoobay, James Swan maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeelanayay madaxda Soomaalida heer Federaal iyo dowlad goboleed.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Somaliland oo sheegtay in DFS ka heshay deeq lacageed oo dhan $700,000.

Read Next

Soomaaliya iyo Pakistan oo ka wada hadlay is dhaafsiga khibradaha amniga iyo difaaca