Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
Militeriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 54aad ayaa dhaqdhaqaaqooda laga dareemay deegaannada dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Dooda la xiriirta ciidanka ma ka howlgali karaan deegaannada Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay dhex taalay Madaxda Federaalka iyo kuwa maamulka Puntland.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa difaacay qorshaha ay dowlada ciidamo kaga qoraneyso deegaannada Puntland, wuxuuna tilmaamay in aysan faragalin noqon karin haddii Dowladda Federaalka tagto qeyb kamid ah dalka.
Sidoo kale, Maamulka Puntland ayaa tilmaamay in deegaannadaasi aysan imaan karin Ciidamada Xoogga Dalka, iyagoo amray in garoomadooda aysan ka soo dagi karin saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka.
Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan qeybta 54-aad ayaa hadda ku sugan deegaannada ka tirsan gobollada Puntland sida gobolka Nugaal caasimadiisa Garoowe.
Dhaqdhaqaaqyada ciidamada ayaa waxaa diidan maamulka Puntland oo u arka askartan kuwo khatar ku ah amnigooda, iyadoo sidoo kale uu jiro khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.
Dadka Shacabka ee deegaannada Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay aad u hadal hayay ciidamadan xoogga dalka ee ku sugan maamulkaasi, iyagoo ka cabsi qabo isku dhac dhexmara Ciidanka heer Federaal iyo Dowlad goboleed.
Bilihii la soo dhaafay Dowladda Federaalka ayaa waday qorshe dib u habeyn iyo howlgalin lagu sameynayo Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, iyadoo la la howlgaliyay taliska ciidanka xoogga ee qeybta 54-aad, halka qorshaha soo socda yahay taliska qeybta 26-aad.
Mustaqbal
