Soomaaliya oo maamuusaysa 66 sano guurada kasoo wareegtay markii ay noqotay Jamhuuriyad kana horrowday gumaystihii Ingiriiska & Talyaaniga

Calanka Soomaaliya

Soomaaliya ayaa 66 sano kahor waxa ay ka horrowday gumaystihii Ingiriiska ee Gobollada Waqooyi gumaysanayay iyo Talyaaniga oo Isticmaarsanayay Koofurta halkaas oo ay ku midoobeen labadaas gobol kuna dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Munaasabad lagu maamuusayo 1da Luulyo ayaa caawa iyo berri lagu wadaa in ay ka dhacdo Dalka iyada oo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, Dad waaya joog u ahaa maalintaas, marti dalal kala duwan ka socota iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Caawa saq dhexe ayaa la saarayaa Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo xiligaas ay ku beegsan tahay labo munaasabad oo ah markii Gobollada Koofurta ay ka xoroobeen Talyaaniga iyo israacii Waqooyi iyo Koofur.

Diyaargarow Xooggan ayaa ka socda Magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee Dalka, waxaana la diyaariyay ciidamo ka qaybgalaya dhoollatus lagu soo bandhigayo inta ay socoto munaasabaddaan sida ay ku warrameen xubno katirsan guddiga loo xilsaaray howshaan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxay ka dhigan tahay in DFS dib u howlgalisay Talisyada 54-aad iyo 26 ee Xoogg Dalka?

Read Next

Xulka Morocco oo noqday Dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo u gudbay Wareegga 16 ee Koobka Adduunka 2026