Dagaalka dalalka Pakistan iyo Afganistaan oo mar kale soo cusboonaday

Xiisadda u dhaxaysa dalalka dariska ah ee Pakistan iyo Afgaanistaan ayaa mar kale soo cusboonaatay, ka dib markii ay Pakistan weeraro dhanka cirka iyo dhulka ah ka fuliyeen xuduudka labada dal.

Sida ay sheegeen saraakiisha dawladda Daalibaan ee Afgaanistaan, weeraradan ayaa galaaftay nolosha ugu yaraan 36 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 160 qof oo kale.

Afhayeen u hadlay dawladda Afgaanistaan, Hamdullah Fitrat, ayaa sheegay in weerarada lagu bartilmaameedsaday guryo dad shacab ah degan yihiin oo ku yaalla gobollada Paktia, Paktika, iyo Kunar, isagoo falkaas ku tilmaamay gardarro fuleynimo ah.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta ee Pakistan, Attaullah Tarar, ayaa sheegay in hawlgalkani uu ahaa mid ka dhan ah kooxaha hubeysan ee gabaadka ka dhigta gudaha Afgaanistaan.

Pakistan waxay sheegtay inay dileen 29 dagaalyahan, ayna tallaabadani jawaab u ahayd weerar dhawaan ka dhacay magaalada Karachi oo lagu dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamadooda.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Sacuudiga oo toogtay Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay dalkaas geliyeen Maandooriye

Read Next

Maxay ka dhigan tahay in DFS dib u howlgalisay Talisyada 54-aad iyo 26 ee Xoogg Dalka?