Dalka Kuwait waxaa ka dhacday Diyaarad Militari oo Maraykanka uu leeyahay oo nooceeda lagu sheegay in F-15 waxaana iska tuuray duulliyihii saarnaa isaga oo adeegsanaya Baalshuud si uu uga badbaado diyaaraddaas oo gabi ahaan burburtay.
Duulliyaha ayaa ku dhacay Guri uu leeyahay Nin u dhashay Dalka Kuwait, ninkaas ayaa bir usoo qaatay isaga oo ku amrayin uu dhulka salka dhigo isna dhiibo, waxaa laga qaaday sawir ku faafay baraha Bulshada oo falcelin culus dhaliyay.
Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Kuwait ayaa hareereeyay goobta ay ku dhacday Diyaaradda Militari maadaama uu hub halis badan saarnaa si aanay dadku ugu dhowaan oo dhibaato nafeed uga soo gaarin sida hadalka loo dhigay.
Militariga Kuwait ayaa war uu soosaaray ku xaqiijiyay shilkaas balse ma faahfaahin sababta ka dambaysay, Dowladda Iiraan ayaa sheegatay in ay beegsatay Diyaaraddaas kaddib markii mid kamid ah gantaalladeeda uu haleelay.
Mustaqbal
