Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa beeniyay eedeymo ay soo jeediyeen xubnaha mucaaradka, kuwaas oo ku aadanaa in diyaaradaha dagaalka ee nooca F-16 loo adeegsaday burburinta xaafado ka tirsan caasimadda iyo barakicinta dadka rayidka ah.
Gudoomiye Muungaab oo xalay ka hadlayay kulan looga hadlayay amniga iyo xaaladda caasimadda, ayaa caddeeyay in hawlgallada dhanka cirka ah ee ay fuliyeen saaxiibada caalamka ay ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsaday Saraakiil ka tirsan AS.
Jeneraal Muungaab ayaa weerar afka ah ku qaaday shakhsiyaadka faafiyay warka ku saabsan in diyaaradaha dagaalku ay si aan kala sooc lahayn u duqeeyeen xaafadaha Muqdisho, isagoo ku sifeeyay inay yihiin kuwo ka fog xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dalka.
“Diyaaradaha dagaalku duqaymo ayay ka fulinayeen goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan cadowgu, hase yeeshee koox aan ugu yeerayo ‘ma gudbayaal siyaasadeed’ ayaa isku dayaya inay suurad xumaynayaan ciidanka Melletariga Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ee naga caawinaya amniga.” ayuu yiri Mungaab
Hadalka ka soo yeeray Guddoomiye Mungaab ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Amniga ay howlgallo burburin ah ka wadeen Xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka Banaaidr
Mustaqbal
