Madaxweynaha Iira’an “Dhul dal muslim ah lagama weerari karo dal kale oo daris la ah’’

Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa baaq nabadeed u diray dunida Islaamka, isagoo hoosta ka xariiqay inaan la aqbali karin in dalalka dariska ah loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iiraan.

Isagoo ka hadlayay Shirka 40-aad ee Caalamiga ah ee Midnimada Islaamka oo lagu qabtay caasimadda Tehran, Madaxweyne Pezeshkian ayaa sheegay in amniga gobolka uu ku jiro iskaashi dhex mara dalalka Muslimiinta.

“Ma jiro dal Muslim ah oo ay tahay inuu amnigiisa ka dhex raadiyo ammaan-darrada dalka dariska la ah,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Pezeshkian ayaa difaacay mowqifka dalkiisa ee ku aaddan xiisadaha ka jira Bariga Dhexe, isagoo xusay in Iiraan aysan waligeed bilaabin dagaal.

Baaqan ka soo baxay Madaxweynaha Iiraan ayaa ku soo beegmaya xilli uu booqasho rasmi ah ku tagay Tehran Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar, Sheekh Maxamed bin Cabdulraxmaan Al Thani.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxaa ka jira in qof shacab ah lagu dilay Saldhiga Booliiska Degmada Waaberi?

Read Next

Maxaa ka jira in Diyaaradaha F-16 loo kiciyay burburinta Oobasiibyo ku yaalla Muqdisho?