Maxaa ka cusub Wadahadallada nabadda Bariga Dhexe ee Islamabad ka socda?

Magaalada Islamabad waxaa ka socda wadahadallada u dhaxeeya Iiraan iyo Maraykanka waxaana garwadayn ka ah Dowladda Pakistan si loosoo afjaro colaadda u dhaxaysa labadaas dal isla markaana loo saldhigyo heshiisyo hordhac ah ay dhowaan gaareen.

Maraykanka waxaa wakiil ka ah Madaxweyne ku xigeenka dalkaas oo lagu magacaabo JD Vance halka Iiraan uu ka socdo Guddoomiyaha Baarlamaanka waddaas oo lagu magacaabo Mohammad Bagher Ghalibaf.

Si  hordhac ah ayay ula hadleen Warbaahinta iyada oo mid weliba uu rajeeyay in guul uu kusoo dhammaado wadahadalkaan oo muhiim u ah soo afjaridda dagaallada socday 6da todobaad ee dunida inteeda kale xitaa saameeyay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan ayaa Maraykanka ku dhaliilay in uu ka baxo ballamada lala galo sidaas awgeed waxa uu carrabka ku adkeeyay Tehran ay la socon doonto qorshe weliba oo dhinaca Washington ka imaada heshiiska kaddib.

Waxa uu lama taabtaan ka dhigay in Maraykanka uu aqbalo xuquuqda Dalkiisa ee heshiiska ku xusan isaga oo meesha ka saaray in gorgortan laga galo arrimahaas, waxa uu Shacabkiisa ugu baaqay in ay dhabar adeegaan maadaama ay guul ka gaareen cadawga kusoo duullay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

MW Xasan Sheekh “Turkiga waxa uu ku dhiirraday in uu Maraakiib lacag badan ku fadhiya uu usoo diro Soomaaliya”

Read Next

Hay’adaha Ammaanka DFS oo sheegay in ay qabteen Mooto waday Qaraxyo