Wasiirka Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax, ayaa sheegay in dhammaadka sannadkan 2025 la keeni doono diyaaraddii qaranka ee Somali Airlines, taasoo muddo dheer ka maqneyd hawada.
Wasiirka oo ka hadlayay arrimo la xiriira maamulka garoomada iyo nidaamka duulimaadyada ayaa si cad u sheegay in siyaasiyiinta fowdada ku sameeya garoomada aan la ogolaan doonin, isagoo xusay in sharciga iyo nidaamka duulista la dhowri doono.
“Sannadkaan dhammaadkiisa diyaaraddii Somali Airline ayaan keeneynaa, balse waa in la ixtiraamaa habraacyada duulimaadka iyo nidaamka sharciyeed ee garoomada dalka,” ayuu yiri Wasiirka.
Somali Airlines, oo la aasaasay sanadkii 1964, ayaa ahayd diyaaraddii qaranka Soomaaliya, una adeegaysay gudaha iyo dibaddaba, iyadoo safarro ku tagi jirtay dalal ay ka mid yihiin Kenya, Talyaaniga, Imaaraadka iyo Suudaan.
Hase yeeshee, shirkaddu waxay joojisay duulimaadyadeeda dabayaaqadii 1991, markii uu dalka galay dagaalkii sokeeye. Muddooyinkii dambe dowladda Soomaaliya waxay dhowr jeer ku dhawaaqday qorshayaal lagu soo celinayo shirkadda, balse ilaa hadda arrintaas ma hirgelin.
Hadda, hadalka Wasiirka ayaa ka dhabeyntiisa waxaa sugaya shacabka Soomaaliyeed oo daneynaya in ay mar kale arkaa diyaarad ku duuleysa magaca Somali Airlines oo calanka buluugga ah ka muuqdo.
Mustaqbal
