Mas’uuliyiin DFS & Koofur Galbeed oo ka qaybgalay aaska saraakiil lagu dilay Duleedka Baydahbo

Magaalada Baydhabo waxaa maanta aas loogu sameeyay Taliyeyaashii Guutooyinka 8aad iyo 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka kuwaas oo shalay ku dhintay dagaal ka dhacay Duleedka xarunta Gobolka Baay ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Dalka, Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan Dowlada Federaalka, masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed & Xubno kale ayaa ka qaybgalay aaskaas.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji Hogaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in saraakiishiisa maanta la aasay ay naftooda u hureen difaaca shacabka iyo ilaalinta amniga deegaanada Maamulkaas sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha shalay la dilay waxa ay laf-dhabar u ahaayeen howlgalkii awoodda maamul looga tuuray Madaxweynihii Baydhabo laga eryay ee Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ciidankiisa ay isu uruursanayaan qaybo kamid ah Gobolka Baay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

DFS oo Ciidanka Laftagareen ku eedeysay in ay ka dhinac dagaalamayaan AS

Read Next

Francesco Di Mauro “Galabta waxa aan sugaynaa jadwal cad oo looga gudbi karo kala-guur nabdoon”