Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka
War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Cabdicasiis Laftagareen ay ku milmeen kana dhinac dagaalamayaan ‘AS’ isla markaana ay si wadajir ah u weerareen Saldhig Ciidanka Federaalka ee ku leeyahay Gobolka Baay ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Warkaan oo lagu daabacay Barta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhanka kale lagu sheegay in howlgallo qorsheysan oo la fuliyay kaddib weerarkaas ay ku dhinteen saraakiisha ciidanka Federaalka lagu dilay 50 xubnood dhinicii weerarka soo qaaday sida hadalka loo dhigay.
Wasaaraddu Difaaca Soomaaliya waxa ay intaas ku dartay in aanay loo dulqaadan Karin ficillada ay samaynayaan ciidamadaas ka amarqaata Cabdicasiis Laftagareen ee la sheegay in ay ku sugan yihiin qaybo kamid ah Gobolka Baay ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa u qornaa sidaan:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa labo sarkaal looga dilay Dagaal shalay ka dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo, maanta ayaa lagu aasay xarunta Gobolka Baay waxaana aaskooda ka qaybgalay mas’uuliyiin isugu jirta heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed.
Mustaqbal
