Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Weeraryahanka Jarmalka Mario Gomez ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ka dib Koobka Aduunka 2018.
Gomez ayaa seddex kulan u saftay xulkiisa heerka group-yada koobka aduunka ee dhawaan soo dhamaaday.
33 jirkaan ayaa 31 gool u dhaliyay xulkiisa mudadii uu xulka matalayay, laakiin wuxuu ku biiri doonaa Mesut Ozil isagana dhawaan ka fariistay ciyaaraha.
“Aniga ahaan, Koobka Adduunka ee Russia waa riyo weyn oo run ah,” ayuu Gomez ku qoray bogiisa Facebook.
Gomes ayaa ka mid ahaa xidigihii xulka Germany kaga qeyb galay koobkii aduunka ee 2014 oo ay iyaga ku guuleysteen.
Gomez ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Bundesliga ee Stuttgart VfB Stuttgart oo ka yimid Wolfsburg bishii Janaayo, isagoo dhaliyay sideed gool qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore.
