Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay
Tababaraha kooxda Real Madrid Julen Lopetegui ayaa carabka ku adkeeyay in Real Madrid aysan iibin doonin Luka Modric.
Kooxda heysata horyaalka Yurub ayaa 3-1 ku garaacday Juventus kulankii ICC Cup-ka ee habeenkii sabtida, iyadoo xiddiga heerka caalami ee Croatia uusan qeyb ka aheyn tartanka.
Si kastaba ha ahaatee, Lopetegui ayaa ku adkeysanaya in xiddigii hore ee Tottenham Hotspur uusan ka tagi doonin Bernabeu.
“Madaxweynuhu ayaa horay u sheegay in uu san iib aheyn xidiga” ayuu Lopetegui u sheegay Daily Mail.
Modric ayaa Real kula guuleystay afar koob oo Champions League ah inta uu kooxda joogay balse qandaraaskiisa waqtigan ee Real ayaa dhacawa 2020ka.
