Mareynkan oo ka hadlay duqeyn uu ka geystay duleedka Kismaayo

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay duqeyb ka geysatay Gobolka Jubada hoose halkaas oo ay sheegtay in ay ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom,ayey ku sheegeen in ay weerarkaas ku dileen 2 ka mid ah Al-shabaab.

Qoraalkooda,waxaa ay ku sheegeen in iyaga oo la shaqeynaya dowladda Soomaaliya ay weerarkaas geysteen.

Weerarkan ayey ku sheegeen in  shalay ay ka fuliyeen Waqooyiga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose.

Waxaa kale oo ay intaas raaciyeen in ay sii wadi doonaan weerarrada ay fasaxa iyo wada shaqeynta uga heystaan Dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Mustaqbal media

Read Previous

US confirmed new airstrike in Somalia

Read Next

Anthony Martial oo ka hadlay Mustaqbalkiisa Manchester United.