Mareykanka iyo Shiinaha oo ka heshiiyay dagaalka ganacsiga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka iyo Shiinaha ay kala saxiixdeen heshiis ganacsi, iyada oo la soo afjarayo dagaalka ganacsi ee labada dal.

“Waxaan heshiis la galnay Shiinaha dhowaan,” ayuu Trump ku sheegay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen “faham dheeraad ah oo ku saabsan hirgelinta heshiiskii Geneva”, iyadoo laga duulayo wadahadalladii bishii hore ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaasoo labada dal ay ku gaareen xabbad-joojin ganacsi muddo 90 maalmood ah.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in fahamkaas cusub uu ku saabsan yahay sidii dib loogu dedejin lahaa dhoofinta biraha qaaliga ah ee Shiinaha uga yimaada, kuwaas oo muhiim u ah warshadaha Mareykanka.

Heshiiska cusub ayaa daba socda wada-xaajoodyadii ka dhacay London, kuwaas oo dhigay saldhig lagu dhiso heshiis weyn. Hadalka Madaxweynaha wuxuu u muuqdaa mid rasmi ka dhigaya is-afgaradkii laga gaaray kulamadii hore.

Colaadda ganacsi ee u dhaxeysay Mareykanka iyo Shiinaha ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay suuqyada caalamka, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsadeen canshuuro sarre oo la saaray badeecooyin malaayiin dollar gaaraya.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Madaxweynaha Xasan Shiikh oo u hambalyo u diray dowladda iyo shacabka Jabbuuti

Read Next

Ciidanka dowladda oo howlgallo ka wada deegaannada hoos yimaada Masaajid Cali Gaduud