Maraykanka oo Muwaadiniintiisa uga digay in ay u safraan Dalal ay ku jirto Soomaaliya
Dowladda Mareykanka ayaa sii wadday digniinta safarka ee heerka afaraad (Level 4) dalalkaas oo kala ah Soomaaliya, Uganda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Koofurta Suudaan.
Heerka 4aad waa Digniinta ugu sarreysa ee Maraykanka waana khad cas oo ka tallaabistiisu adag tahay sida ay ku warrantay Waaxda Arrimaha Dibadda Dalkaas oo digniintaan soo gudbisay.
Waxyaabaha ay la kulmi karaan ee khataraha ah waxaa kamid ah Dil, Afduub, Handadaad iyo halis kale oo xitaa suuragalin kara in naftooda la waayo sida ay ku warrantay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo & Koofurta Suudaan waxaa ka jira xasilooni darro amni oo salkeedu tahay isku dhacyada dhinacyada Hubaysan sida lagu xusay bayaanka kasoo baxay Maraykanka ee digniinta ah.
Digniinta Maraykanka kama dhigna in uu muwaadiniintiisa ka mamnuucayo u safarka Dalalkaas balse waa talo soo jeedin mudan si dadkaas ay uga fogaadaan khataraha Amni ee uga imaan kara kooxaha hubaysan ee rabshadaha kawada Dalalka ku jira derajada 4aad (Level 4).
Soomaaliya waxaa ka jira isbaddel Amni iyada oo hadda ku jirta liiska dalalka Xasiloon, inkasta oo ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo aan gaarsiisnayn heer ay isu gacan qaadaan dhinacyada is haya.
Mustaqbal
