Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Turkiga uga qaybgalaya Shir looga hadlayo Isbaddelka Cimillada

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalaya Shirka Caalamiga ah ee looga hadlayo Isbaddelka Cimillada ee COP31 kaas oo maanta furmaya isaga oo lasoo xiri doonna 20ka bishaan sida ku xusan jadwalka loo diyaariyay shirkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kale ee lagu casuumay ayaa khudbadaha & kulamada kale ku qoran 11ka iyo 12ka bishaan iyaga oo diiradda saari doonna saamaynta taban ee isbaddelka Cimillada iyo kahor tag wadajir ah inay sameeyaan madaxda Antalya ku kulansan.

Khubarro ku takhastay isbaddelka Cimillada oo qaarkood katirsan Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigaysa saamaynta taban ee laga dhaxlay kulka kusii kordhaya Dunida oo sannadkaan Dalal Yurub ah ku dilay Dad badan halka kuwo kale ay la kulmeen dhibaatooyin caafimaad darro oo lasoo dersay.

Ilo ku dhow wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku warramay in Madaxweynaha Soomaaliya uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonno madax kala duwan oo uu kamid yahay Dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan Antalya ku casuumay madaxdaas kala duwan.

COP31 waxaa kale oo diiradda lagu saarayaa garab istaagga Dalalka u nugul isbaddelka Cimillada kuwaas oo intooda badan Qaaraddaan Afrika, waana tan keentay in Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ay qayb ka noqdaan Wasiirro iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Dalka ay u raacaan Shirkaan.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Nepal oo baaraysa Hiddesidaha Dadkii ku dhintay Daadadka ee ilaa hadda aan ehelkooda la aqoonsan