Maxay ka wada hadleen Wasiir Fiqi iyo Safiirka Shiinaha?

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda amniga dalka, gaar ahaan qorshaha kala-guurka amniga iyo sidii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ula wareegi lahaayeen mas’uuliyadda amniga marka ay baxaan Ciidamada AUSSOM.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray taageerada Shiinaha ee Soomaaliya iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ay jiraan qorshayaal iyo dhagarro ay wadaan dhinacyo shisheeye oo uu ku eedeeyay in ay ka dhan yihiin amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isaga oo xusay in dowladda Federaalka ay si dhow ula socoto, ayna ka hortagi doonto hirgelintooda.

Wasiirka ayaa dhanka kale uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay mowqifka Beijing ee ku aaddan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, iyo diblomaasiyiin ka socday Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Guutada 22aad ee Gorgor oo Muqdisho kusoo wajahan