Maraykanka oo Kyiv ka billaabaya wadahadallada nabadda ee Ruushka & Ukraine

Ergo ka socota Maraykanka oo ku sugan Magaalada Kyiv ayaa billaabay wadahadallo nabadeed oo lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo Dalalka deriska ah ee colaaddoodu waqti dheeraatay ee Ruushka iyo Ukraine sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Waxa ay Ergadaan ka socdaan Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump maadaama Madaxweyneyaasha Russia & Ukraine ay ku heshiiyeen xabbad-joojin saddex cisho ah oo ka dhaqangasha Caasimada Moscow iyo Kyiv.

Russia iyo Ukraine ayaa doonaya in la soo afjaro dagaalka waqti dheeraaday balse dhinac weliba waxa uu rabaa in uu helo libinta ugu muhiimsan ee dagaalkaas sida Moscow oo doonaysa dhul iyo in ay is hor istaagto in aanay Kyiv ku biirin Isbahaysiga NATO.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

DFS oo codsatay in ay dunida ka taageerto la dagaalanka Burcad-badeeda

Read Next

Ingiriiska oo sheegay in Soomaalida Tahriibka ku gasha Dalkaas ay yihiin 12%