Maraykanka oo 78 sano kaddib si buuxda uga baxay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO

Dowladda Maraykanka ayaa si buuxda uga baxday Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo hoostagta Qaramada Midoobay kuna bixin jiray lacag ka badan ay dhiibi jireen Dalalka ay xubnaha kawada yihiin Qaramada Midoobay.

Bishii April sanadkii tagay 2025 ayuu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxa uu qaaday tallaabo sidii dhul-gariirka oo kale mar gilgishay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO kolkii uu maamulkiisu sheegay in uu joojiyay kaalmada uu siin jiray.

Laga soo billaabo sanadkii 1948dii waxa uu Maraykanka xubin firfircoon ka ahaa Hay’adda WHO, sanad weliba waxa uu ku bixinayay lacag dhan $260 Milyan oo doollar waana mid ka badan dhowr waddan oo Qaramada Midoobay ka dhex muuqda.

Hay’adda WHO waxa ay sababsatay qaabkii ay u maaraysay Xannuunkii Dunida Aafada ku noqday ee COVID-19, waxaa uu Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dib usoo laabashadiisa sameeyay tallaabo culus oo ka dhan ah shaqada Hay’addaan.

78 sano kaddib, Maraykanka waxa uu ka madaxbannaan yahay howlaha ay qabato Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, waxaa howlihii adeegyada ahaa ee u qaban jirtay Dalkaas la wareegtay Waaxda Caafimaadka ee Qaramada Midoobay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

KLM & Air France oo joojiyay Duullimaadkoodii Imaaraatka, Israa’iil, Sacuudiga & Dalal kale

Read Next

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay Shirka Dowladda Federaalka ay qabanayso