KLM & Air France oo joojiyay Duullimaadkoodii Imaaraatka, Israa’iil, Sacuudiga & Dalal kale

Shirkadaha Diyaaradaha Air France oo laga leeyahay Dalka Faransiiska iyo KLM oo Netherland leedahay ayaa ku dhawaaqay in si kumeel-gaar ah ay u joojiyeen duullimaadkoodii Isutagga Imaaraatka Carabta, Israa’iil, Sacuudiga & Dalal kale oo Bariga dhexe ah.

Si rasmi ah uma aysan shaacin Shirkadahaan sababta rasmiga ah ka danbaysa go’aankaan balse waxaa jira warar sheegaya in ay ka cabsadeen duullaanka Maraykanka uu doonayo in uu ku beegsado Iiraan maadaama uu u diray Maraakiib iyo ciidan aad u hubaysan.

Qoraallo kooban oo ay baahiyeen maamullada Shirkadaha Diyaaradaha ee Air France iyo KLM ayay ku sheegeen in ay dib kasoo sheegi doonnaan waqtiga uu dib u billaaban doonno duullimaadkooda haatan la hakiyay sida hadalka loo dhigay.

“Sababta hakinta Duullimaadka ee Air France & KLM waa xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, hanjabaadda Donald Trump ee la xiriirta beegsiga ka dhanka ah & Ciidamada uu diray” Sidaasi waxaa yiri sarkaal ka gaabsaday in magaciisa iyo xogtiisa la baahiyo.

Diyaarado kale ayaa qiimeynaya halista laga digayo ee Bariga Dhexe, maadaama Maraykanka uu qorsheynayo in uu fuliyo weerarro ka dhan ah Iiraan, waxa ay diyaaradu ka cabsanayaan waxyeello kasoo gaartay dagaalka aan waqtiga ku xirneen ee marweliba qarxi karo.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Sheekh Mustafa “Yuhuudda Ballan ay galleen oo aysan burin ma jiro”

Read Next

Maraykanka oo 78 sano kaddib si buuxda uga baxay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO