Magaalo kulmisay Haween ka tagay Rabshadaha Colombia!

Gabar Suxufiyad ah oo lasoo shaqeysay BBC, Al-Jazeera iyo Hay’ado kala duwan oo Warbaahineed ayaa Warbixin ka sameysay Xaaladda Haweenka ka cararay Colaadda Colombia ee dhaca Koofurta Ameerika.

Waxa ay dul istaagtay rabshadihii horseeday in ay deegaankooda isaga tagaan dad badan oo ay qayb ka yihiin Haweenka ay ku socoto dulucda Warbixintaan ee halka Magaalada kuwada kulmay.

Rabshadda ayaa u dhaxeysay Ciidamada Militariga Dowladda iyo Jabhad hubeysan oo dagaal dhiig ku daatay dhexmaray, waxaana sabab uu u noqday dagaalkaas in sideed milyan oo qof ay guryahooda ka cararaan.

Xaafad ay degen yihiin Dadka Saboolka ah oo ku taalla Magaalada xeebta leh ee Cartagena, waxa ay kulmisay koox haween ah oo barakacayaal ah, isla markaana go’aansaday in ay dhistaan.

Waxay samaysteen Ururka Haweenka barakacay waxayna sanadkii 2003-dii bilaabeen in ay dhisaan tuuladan si iskaa wax u qabso ah iyagoo dhismo kadib ugu magacdaray Magaaladii Haweenka.

Magaaladaan waxa ay 20 Daqiiqo u jirtaa ama la isugu socdaa Gobolka Turbaco, waxaana laga sameeyay 100 guri oo ay dumarka gacmahooda ku dhisteen iyaga oo iskaashanaya.

“Dagaalka ayaa naga burburiyey guryaheena, waxaana kasoo fogaanay noloshayadii caadiga ahayd, Himilooyinikeena ayaa si sahlan u burburay” waa hadalada ugu badan ee ay sheegayaan haweenkaan.

Consuelo Villega Mendoza waa da’aadda 44-sano jir, waxa ay ka timid tuullo ku taal Gobolka Sucre, iyada oo lagu qasbay in ay ka soo cararto kaddib markii ay bilawdeen xasuuqa dadkii u dhawaa.

“Waa dhibaato aad dareemi karto marka ay kugu dhacdo’ ayay sheegtay. ‘Waxaan uga soo tagnay cabsi awgeed” ayay intaasi ku dartay.

Iyada iyo inanteedii waxa ay sheegeen in ay sidoo kale kasoo tageen Hoteel ay ku lahaayeen tuuladas oo ay cuntooyinka,Cabitaanka ku iibin jiraan, kuna heysteen Macamiil ku xiran.

Haweenka Magaalada ku nool waxa ay u soo halgameen sidii ay ugu heli lahaayeen caddaalad dambiyadii sida bareerka ah loogu geystay, balse wali lama xalin dhammaan 159 kiis ee Xad-gudubka jinsiga iyo barakaca ku saleysan ee ay sheegteen.

Alneris Orozco Caupo, waa 47-sano jir, waxaa u yaalla gurigeeda sawirro la geliyey muraayad oo laga dhex arki karo Haweenka ku kulmay Halka Magaalo ee ka cararay colaadda Dalka Colombia.

Waxa ay markeedii hore ka timid Gobolka Waqooyi galbeed ee Cesar, waxaa lagu qasbay in ay la cararto labadeeda caruur ah 20-sano ka hor dagaalka dhuleed ee u dhexeeya ciidamada militariga iyo falaagada lagu magacaabo Farc.

Waxa ay heysataa sawirrada carruurteeda oo ka qalin-jabiyey Dugsiga sare iyo Jaamacadda, waana xusuus u gaar ah, balse rabshadaha ayaa kahor istaagay Nolosha Deegaankooda.

Erika Maria Gamarra Caro, waxay jirtaa 42, waxa ay ka timid El Carmen de Bolívar waxayna usoo carartay Cartagena kadib markii xubno kamid ah qoyskeeda la dilay intii lagu xasuuqayey ciidammada garabka midig markii ay hore laayeen fallaagada garabka bidix ee FARC loosoo gaabiyo.

Waxay sheegtay in si isdaba joog ah loogu faraxumeeyey intii ay ku jirtay la baxshada nafteeda, si ay u hesho nolol dhaanta midii ay ku heysatay degmadii ay kunooleed ee xususta Murugada badan ka dhaxashay.

Isha Warkaan iyo Sawirrada waxaa iska leh Suxufiyadda Megan Janetsky

MM Staff

Read Previous

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo Maanta tagay Jalalaqsi oo uu ka dilaacay Shuban Biyood..

Read Next

Maxkamadda CQS oo Xukun ku ridday Mas’uul katirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir.