Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya
Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Mustaqbal waxa uu sheegay in mas’uuliyiin katirsan Gobolka ay maanta tagayaan Degmada Jalalaqsi.
Xubnaha maamulka ayaa kormeeraya Goobaha Caafimaadka ee la dhigay dadka ku dhaw Boqolka ruux ee uu soo ritay Shuban Biyoodka, kuwaa oo qaarkood xaaladooda laga deyrinayo xiligaan.
Sheekh Xuseen waxa uu dalbaday in la gacansiiyo Dadka Degmada Jalalaqsi oo 22-ruux ay u geeriyoodeen Shuban Biyood, halka lagu howlan yahay daweynta dad ka badan 70-kale sida uu hadalka u dhigay.
Wasaaradaha Caafimaadka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed waxa uu ka codsaday in aysan iska indho-tirin dhibaatada muuqata ee ka jirta Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, si gurmad caafimaad ay u helaan Bukaanada.
Sababta xanuunka Shuban biyoodka ugu dilaacay Degmooyin katirsan Gobolka Hiiraan waxaa sal looga dhigay cabista Biyaha Wabiga, waxaana dadka degen deegaanada uu Maro Wabiga ay ku tiirsan yihiin cabistiisa.
Muddooyinkii dambe waxaa muuq iyo dhadhan rogmay Biyaha Wabiga Shabeelle ee mara qaybo kamid ah Gobolka Hiiraan, waxaana la digayay in ay dadka isticmaalaan, balse ma heystaan ceel biyood ay uga maarmaan.
