Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo wareysi dhinacyo badan taabanayay siiyay Teleefishinka Al-Carabiya ayaa ka hadlay doorka dowladda ee dhismaha maamulka Waqooyi Bari.
Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinka ay wajaheen dadka deggan gobollada Maamulka Waqooyi Bari ee la xiriira mushkilada xuduudaha uu ka tagey Gumeystihii Ingiriiska iyo hardanka Maamulada Somaliland & Puntland.
“Dadka dhistay Maamulka Waqooyi Bari muddo dheer ayay dhibaato wajaheen, annaga kaliya waxaa noo bannaana inaan taageerno oo aqoonsano” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Maamulada Puntland iyo Jubbaland ugu baaqay wada hadal, isagoo sheegay in markasta ay diyaar u yihiin sidii loo dhammeyn lahaa khilaafaadka taagan.
Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa tilmaamay in caqabadaha Nidaamka Federaalka yihiin kuwo muuqda, balse si tartiib ah loola qabsanayo ayna socdaan wada hadallo ay yeelanayaan Golaha Wadatashiga Qaran.
“Nidaamka Federaalka waa dhib badan yahay, waxaana dhaqan gali kara dal siyaasad ahaan deggan, dalkeena wuxuu qaatay xilli caqabado badan jireen” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.
Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda Federaalka ay wajaheyso khilaafka maamulada qaar oo ka biyo diidan waxkabadalka dastuurka iyo arrimo kale.
Mustaqbal
