Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaarey dalka Jabbuuti

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabbuuti.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho dhiggiisa Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu  sii gudbo dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda dalkaasi.

Mustaqbal

 

MM News

Read Previous

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safarro ku maraya dalalka Jabbuuti iyo Itoobiya

Read Next

Laascaanood: Dadaallada lagu dhisayo dowlad goboleed cusub oo meel gabo gabo ah maraya